27/02/2025 Garoowe
Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ayaa xarunta dhexe ku qabatay kulan looga hadlayey u diyaar garoowga iyo soo dhaweynta dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Maxamed Abdiwahaab Axmed iyadoo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Arrimaha Diinta iyo Daryeelka Bulshada.
U jeeddka kulanka ayaa ahaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa dhalashada bisha Ramadaan, sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa midaynta Aadaanka Salaadaha iyo in wax laiska weydiiyo dadka goobaha cibaadada ka tuugsada amnigooda iyo saamayntooda.
Xog is dhaafsi dheer kadib, culumada iyo wasaaradda ayaa si wadajir ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in aadaanka salaadaha la mideeyo, iyadoo wasaaraddu ay qeybin doonto jadwal waqtiyeed lagu midaynayo aadaanka salaadaha gobolada oo dhan! Sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay in go’aan laga soo saaro dadka goobaha cibaadada ka dhex tuugsada oo khal-khal iyo dhibaato ku haya, bulshada cibaadaysanaysa ee ku jira masaajidka.
Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay Culumaa’udiinka kala duwan, Mu’asasaadka, khudubada masaajida iyo Qeybo kamid ah Mu’adiniinta masaajida.
Ugu dambayn, waxaa laisku raacay in habeenka Jimacaha culumadu iyo Wasaaraddu isku yimaadan, si wadajir ahna loo raadsho bishii, sidoo kalana qeyb weyn ay ka qaataan culumadu faafinta iyo dhaqan-galinta jadwalka aadaanka salaadaha bisha Ramadaan.
hoose ka daawo hadla-jeedinta wasiirka https://www.facebook.com/share/v/1A5KSTcsVK/





















