Bahda Wasaaradda, Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland oo ay u horeeyaan madaxda Wasaaradda waxa ay hambalyo u dirayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabweynaha Reer Puntland oo ay ugu bishaaraynayaan dhalasha bisha barakaysan ee Ramadaan.
Hambalyo kadib, madaama ay tahay bil cibaado waxaa laga rabaa ummada muslimka ah ee soomaliyeed inay ku dadaalaan gudasha acmaasha wanaagsan ee kusoo uruurtay bishan barakaysan Ee Ramadaan.
Ugu dambayn, Madaxda Wasaaradda oo hogaaminaya hawl-wadeenada kala duwan waxay duco u dirayaan ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro khawaarijta daacish, sidoo kale waxay u ducaynayaan askarta ku shahiiday intuu socday dagaalka waxaana leenahay samir alle haka siiyo eheledii ay ka baxeen.
Hoose ka daawo: Hadla-jeedinta masuuliyiinta wasaaaradda Cadaaladda iyo Wasiirka, iyo wasiiru-dowlaha iyo Culumo-diinka Puntland.
https://www.facebook.com/share/v/15sKhJmnsn/
https://www.facebook.com/share/v/14pjwaiH9B/
https://www.facebook.com/share/v/15ukkVVLtN/










