Featured MEDIA News

Wasiirka Cadaaladda Puntland mudane Cawil Shiikh Xaamud oo Tababar u furay ciidanka Asluubta Puntland

Wasiirka Cadaalada ee dawlada Puntland ayaa furay tababar la siinaayey ciidanka Asluubta oo ka kala yimi Gobolada Somaliya tababarkaa oo ay bixineesay haya’ada UNODC.

waxuu wasiirkuku dhiiri geliyey ciidanka asluubta oo tababarka qaadanaayey inay ilaaliyaan xuquuqda Maxaabistu leeyihiin iyo inaan la jirdilin, la aflagaadayn amaba wax cay ah loo gaysan oo aysan u qadan hadii mar qofku maxbuus yahay inuu waayaayo xuquuqdisa.

waxaa kaloo uu wasiirku ku dhiiri geliyey in qofka maxbuska ah ay tahay in laga bedelo dhaqankii lagu soo xiray ee aysan ahyn in lagula kaco waxyaabo uu kaga sii dari karo. Ugu danbayntii waxuu ku booriyey inay isu diyaariyaan iyagu inay noqonayaan macalimiintii berito hadii Alle yiraahdo