MEDIA News Services Somali News

Shirka hirgalinta Istiraatijiyadda qorshaha Hormarinta Caddaaladda Puntland ayaa maanta lagu daahfurey Bosaso.

Shirka hirgalinta Istiraatijiyadda qorshaha Hormarinta Caddaaladda Puntland ayaa maanta lagu daahfurey Bosaso.

Shirkaan oo uu daahfurey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Baari Shire ayaa waxaa ka soo qayb galey masuuliyiinta ka socda Golaha wakiilada Puntland, madaxda Wasaaradda Cadaaladda, hay’adaha Caddaaladda, garsoorka, amniga iyo Culumada Diinta ayaa looga hadlayaa sidii loo dhaqan-galin lahaa istiraatijiyaddaan qorshaha Hormarinta Caddaaladda Puntland ee 5 sano 2025- 2029.

Istiraatijiyaddaan oo kaaban 6 Yool oo waa wayn, 22 Ujeeddo iyo 95 Howl-qabad oo ay ku baxeyso fulintooda dhaqaale dhan 55M, kuwaas oo diiradda lagu saarayo hormarinta iyo tayaynta adeegyada caddaaladda dalka.

Shirkaan ayaa loogu talogaley in hay’adaha Caddaaladda, Garsoorka iyo Amniga ka wadashaqeeyaan sidii lagu fulin lahaa istiraatijiyaddaan oo diiradda saareysa Arrimahaan:

  1. Hormarinta siyaasadaha iyo xeerarka caddaaladda
  2. Baahinta iyo tayaynta adeegyada caddaaladda
  3. Nidaaminta xabsiyada iyo daryeelka maxaabiista
  4. Hormarinta kaabayaasha laamaha caddaaladda
  5. Kor u qaadista kalsoonida Bulshada iyo daahfurnaanta.
  6. Hormarinta Arrimaha diinta iyo daryeelka agoomaha.

Istiraatijiyaddaan ayaa qayb ka ah dadaalada xoogan oo Wasaaraddu waddo, kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Hoose ka Daawo: muuqaalka Sirka,https://www.facebook.com/share/v/18cwoBAUvR/ https://www.facebook.com/share/v/16Stc5CywA/

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland