Garowe: Maanta oo ay taariikhdu tahay 12.06.2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomay shirka daah-furka nidaamka nootaayada danabaysan (E-notary), kaas oo ay soo qababisay,Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta. Fulinta iyo dhaqan galinta barnaamijka Nootayada Danabeysan ee E-Notary oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan labada Wasaaradood ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Nootayada Danabeysan ee E-Notary ee dhaqan-galinta iyo kor u qaadista Arrimaha Cadaaladda iyo ilaalinta hantida Bulshada Puntland iyo doorka Wasaaradda Maaliyadda ee ah kor u qaadista dakhliga Dowladda Puntland.
Shirkan waxaa daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta, iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland.
Shirkaan oo si rasmi ah loogu daah-furay nidaam ka Nootaayada danabaysan (E-notary) waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha wasiiradda, xildhibaano, madaxda garsoorka, saraakiisha Police-ka iyo Asluubta, bankiga Dowladda Puntland, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo, xarumaha Nootaayooyinka, bankiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayid ka ah.
Ugu horeyn waxaa shirka faahfaahin ka bixiyay Agaasimaha Waaxda Nootaayooyinka ee Wasaaradda Cadaaladda Bishaar Abdulkadir isagoo martida la wadaagay ujeedada kulanka iyo muhiimadda hanaankan cusub ee Nootaayada danabysan. Kusimaha agaasimaha guud ahna Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Cadaaladda Mohamed Nour Aden ayaa martida kusoo dhaweeyay shirka, wuxuuna sidoo kale sharaxaad ka bixiyay hanaankii usoo maray dhismaha System E-Notary.
Ugu danbeyn waxaa nidaam ka cusub ee Nootaayada danabysan si rasmi u daah-furay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mohamed Abdiwahab Ahmed isagoo madaxda iyo bulshada kasoo qayb gashay kulanka oga mahadceliyay doorkooda Sidoo kalana si faahfaahsan oga hadlay nidaam ka Nootaayada danabaysan.


























