MEDIA News Somali News

Maanta oo taariikhdu tahay 24-05-2025 waxaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland

Maanta oo taariikhdu tahay 24-05-2025 waxaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland,ka qabsoomay Tababar kusaabsan Nootaayooyinka dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Garowe.
Tababarkaan ayaa ku saabsanaa barnaamijka cusub ee E-notary (Nootaayada danabaysan) kaas oo Wasaaraddu muddo ku howlaneed dhismihiisa.
Barnaamijkaan ayaa ah qaab casri ah oo looga wareegi doono habkii hore ee Nootaayooyinku ku shaqayn jireen.
Kulanka Tababarka waxaa daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Mohamed Abdiwahab Ahmed, waxaana sidoo kale ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda,Wasiir dowlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland.
Ugu horeyn Agaasima Waaxda Nootaayooyinka Bishaar Abdulkadir ayaa faah-faaahin ka bixiyay u jeedada tababarka iyo muhiimada uu lee yahay.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo si rasmi ah u daahfuray kulanka tababarka ayaa ku dheeraday muhiimada barnaamijka isagoo kula dardaarmay Nootaayooyinka inay si wanaagsan oga faa’iideystaan tababarkaan una qaataan tababarkan si dhab ah.
Ugu danbayn Wasiirka ayaa la wadaagay Nootaalayaasha inaysan jiri doonin Nootaayo danbe oo kusii shaqayn doonta habkii hore wixii ka danbeeya bisha June ee sanadkaan.
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta.