Somali News

  #Garowe: Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda,Dastuurka,Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Mudane Mohamed Abdiwahab Ahmed ayaa kulan La qaatay Xubnaha Bahda Cadaalladda Puntland oo Tababar ugu soo dhammaaday Magaalada Garowe. Wasiirka ayaa Ku bogaadshay shaqada ay Dadkooda u hayaan sidoo kalana Faray In ay Cadaalladda iyo Dhex dhaxaadnimada dhowraan ayna Xoojiyaan wada shaqaynta Bahda Cadaalladda Puntland. Baahinta: […]

MEDIA News Somali News

WASAARADA CADALAADA AYAA TABABAR UQABTAY ISU-DUWAYAASHA WASAARADDA EE GOBOLADA PUNTLAND

Madaxda Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradda ayna weheliyaan Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda puntland iyo Guud ahaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa soo agaasimey shir loo qabtay isduwayaasha Wasaaradda Cadaaladda ee Gobolada puntland. Ujeedka Shirkan ayaa ahaa kala warqaadashada Xarumaha ay ka shaqeeyaan ee Gobolada Dardargalinta […]

Featured

WASAARADDA CADAALADA AYAA TABABAR UQABATAY XIFRADLAYAASHA CAAFIMADKA PUNTLAND

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland Drs Maryan Mohamed Abdshir oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda Daryeelka Wasaaradda Cadaaladda Ismaciil Xaaji Cabdi, oo kaa shanaya Wasaaradda Caafimadka ayaa maanta Daahfuray Tababar socon doona mudo labo Cisho ah Tababarkan Ayaa looqabtay Xirfadlayaasha ka howl gala Goobaha Caafimadka Dhakhaatirta iyo MCH yada. […]

MEDIA News

MADAXDA WASAARADDA AYAA CASHO SHARAF USAMEEYAY XUBNO KAMID AH BAARLAMAANKA PUNTLAND

Wasiirka wasaaradda caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha diinta iyo Dhaqan-celinta, oo ay waheliyaan wasiir ku xigeenka, wasiir dowlaha, Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa casho sharaf u sameeyey guddiyadda Baarlamaanka ee kala ah Guddiga Arrimaha caddaaladda, shuruucda, Guddiga xuquuq aadanaha iyo Guddiga arrimaha bulshada. Wasiirka ayaa guddiyadda Baarlamaanka siiyey xog kooban oo ku saabsan shaqada baaxadda leh […]

MEDIA News

WASAARADA CADAALADDA AYA DHAHAR KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN KOR UQQAADIDA XIDHIIDHKA WADASHAQAYNEED EE LAAMAHA CADAALADA

Dhahar: Agaasimeha waaxda Daryeelka Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland Ay weheliyaan Agaasimeha waaxda Qorshaynta, Isudu Waha Wasaaradda Cadaaladda, Ururada haweenka,dhalinyarada, madax dhaqamed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Magaalada Dhahar loogu qabatey Tababar ujeedkiisu yahay kor u qaadida xidhiidhka wada shaqayneed ee Laamaha Cadaaladda Iyo dar dargelinta Xeerka La Dagaalanka […]

MEDIA News

BADHAN WAFDI KA SOCDA WASAARADA CADAALADDA AYAA KORMEER KU TAGAY DHISMAHA MAXAKADA BADHAN,XABSIGA CUSUB EE DEG BADHAN

Badhan: Wafdi ka Socda Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland oo uu Hogaaminayo Agaasimaha waaxda daryeelka & Agaasimaha waaxda qorsheynta oo uu weheliyo isuduwaha gobolka sanaag ayaa Waxa ay maanta kormeer iyo indho indhayn ku tageen dhismaha maxkamada cusub ee badhan oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay iyo xabsiga cusub […]

MEDIA News

BADHAN WASAARADA CADAALADA AYAA KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN XOOJINTA XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA LAAMAHA CADAALADA

Badhan: Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland ayaa Magaalada Badhan Ku qabatey Tababar kor loogu qaadayo xidhiidhka ka dhexeeya Laamaha Cadaaladda Iyo dar dargelinta Xeerka La Dagaalanka Kufsiga, Maandooriyaha Iyo xeerka Da’yarta. Tababarkan Ayaa waxaa kasoo qayb galay laamaha Cadaaladda Sida Garsoorka, maxkamada, Police ka, Asluubta, Hayd’adda Danbi baadhista, isudu Waha Wasaaradda […]

MEDIA News

MADAX KA SOCOTA WASAARADDA CADAALADA AYAA KORMEER KU SAMEEYAY MAXKAMADA GOBOLKA BARI

Boosaso: Agaasimaha waaxda Daryeelka iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada caddaaladda oo ay weheliyaan Isuduwasyaasha gobolka Bari ee wasaaradda cadaaladda ayaa kormeer shaqo ku tagay Garsoorka gobolka Berri waxayna la kulmeen Gudoomiye maxakamada daraja 1aad ee Bosaso, Gudoomiye maxkamada racfaanka iyo Xeerilaaliye Gobolka Berri waxuuna daarnaa kormeerkaas dardargelinta ku dhaqanka xeerka kufsiga, xeerka Cadaaladda da’ayarta […]

MEDIA News

AGAASIMEHA WAAXDA DARYEELKA CARUURTA AYAA MAGALAADA QARDHO KU QABTAY TABABAR KU SAABSAN XOOJINTA WADA SHAQAYNTA LAAMAHA CADAALADA

Qardho: Agaasimeha waaxda Daryeelka ee Wasaaradda Cadaaladda oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda Qorshaynta, Isu duwaha Wasaaradda Cadaaladda gobolka Karkaar iyo Latilayaha Arrimaha Caruurta ayaa maanta qabtay Tababar ku saabsan xoojinyay xiriirka ka dhaxeeya laamaha caddaalada iyo dardargelinta xeerka la dagaalanka kufsiga iyo Xeerka Da’yarta Tababarkan ayaa waxa looqabtay Lamaaha Cadaaladda iyo daneeyayaasha Ilaalinta Xuquuqda Dadka […]

MEDIA News

AGAASIMEHA WAAXDA QORSHAYNTA WASAARADDDA CADAALADA AYAA BOOQASHO KU TAGAY MAXKAMADA QARDHO EE GOBOLKA KARKAAR

Qardho: Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Caddaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta dawlada puntland oo uu weheliyo isu duwaha wasaaradda caddaaladda ee gobolka karkaar ayaa kormeer ku tagay Maxkada Qardho ee gobolka Karkaar. Masuuiyiinta ayaa warbixin ka dhagaystay Gudoomiyaha maxkamada iyo xeer Ilaalinta gobolka. Kormeerka ayaa ku aadanaa Qiimaynta iyo Dhaqan gelinta Xeerarka kala ah […]

MEDIA News

WASAARADDA CADAALADDA AYAA QABATAY DOOD CILMIYEED KU SAABSAN KA TASHIGA JOOJINTA TACADIYAADKA KA DHANKA AH BULSHADA NUGUL

Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda puntland Drs Maryan Mohamed Abdshir ayaa Daahfurtay Dood cilmiyeed ku saabsan ka Tashiga Joojinta Tacadiyaadka Ka dhanka ah Bulshada Nugul ( Haweenka iyo Caruurta). Doodan ayaa waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, dadka u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Haweenka , dhakaatiir, culimo u diin, dadka bartay xanuunada […]

MEDIA News Somali News

FURITAANKA SHIRWAYNAHA ARRIMAHA DIINTA PUNTLAND

Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland ayaa maanta qabatay Shirwaynaha Arrimaha Diinta Dawlada puntland Shirwaynaha ayaa Waxaa Daahfuray Madaxwaynaha dawladda puntland Dr Saciid Cabdilaahi Deni oo ay weheliyaan madaxda Wasaaradda Cadaaladda oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland Mudane Mohamed Abdiwahab, wasiir ku xigeenka Wasaaradda, […]

MEDIA News Somali News

Shirka isku xidhka bah-wadaagta cadaaladda puntland

Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawlada puntland ayaa qabatay Kulanka iskuxirka bah-wadaagta cadaaladda Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda. Waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka wasaarada cadaaladda, Wasiir kuxigeen Horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, Wasiir kuxigeenka amniga iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda. Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay bah-wadaagta […]