MEDIA News

MADAX KA SOCOTA WASAARADDA CADAALADA AYAA KORMEER KU SAMEEYAY MAXKAMADA GOBOLKA BARI

Boosaso: Agaasimaha waaxda Daryeelka iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada caddaaladda oo ay weheliyaan Isuduwasyaasha gobolka Bari ee wasaaradda cadaaladda ayaa kormeer shaqo ku tagay Garsoorka gobolka Berri waxayna la kulmeen Gudoomiye maxakamada daraja 1aad ee Bosaso, Gudoomiye maxkamada racfaanka iyo Xeerilaaliye Gobolka Berri waxuuna daarnaa kormeerkaas dardargelinta ku dhaqanka xeerka kufsiga, xeerka Cadaaladda da’ayarta iyo xeerka ladagaalanka maandooriyaha, waxayna warbixin ka dhageysteen madaxda garsoorka gobolka Berri Habka loo Dhaqan Geliyo xeerarkaas.
Waxayna u mahadceliyeen madaxda garsoorka gobolka Sida Hufan ee ay Bulshada ugu shaqaynayaan.