

Dhahar: Agaasimeha waaxda Daryeelka Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland Ay weheliyaan Agaasimeha waaxda Qorshaynta, Isudu Waha Wasaaradda Cadaaladda, Ururada haweenka,dhalinyarada, madax dhaqamed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Magaalada Dhahar loogu qabatey Tababar ujeedkiisu yahay kor u qaadida xidhiidhka wada shaqayneed ee Laamaha Cadaaladda Iyo dar dargelinta Xeerka La Dagaalanka Kufsiga, Maandooriyaha Iyo xeerka Da’yarta.
Tababarkan Ayaa waxaa kasoo qayb galay laamaha Cadaaladda Garsoorka, maxkamada, Xaffiiska xeer Ilaalinta, Police ka, Asluubta, Hay’adda Danbi baadhista iyo odayasha Dhaqanka.








