Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyada oo ka duulaysa tayaynta Cadaaladda Puntland ayaa waxa ay dib u bilowday shirarkii ay isugu imaanayeen hay’adaha ka shaqeeya cadaaladda. Kulanka ayaa ah mid ay isugu yimaadeen dhamaan danee-yayaasha Cadaaladda sida Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah. sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa Hay’adaha Puntland u qaabilsan Cadaaladda […]
MEDIA
Madaxa Hay’adda EUCAB Puntland oo kulan la qaatay Wasiir Kuxigaynka Wasaaradda Cadaaladda Puntland
waxaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe Wefdi uu hoggaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda EUCAB Puntland Mudane Dariusz Sielicki Mr Dariusz Sielicki Madaxa ugu Sareeya EUCAB Puntland ayaa bogaadiyay shaqada ay hayso wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Wasaaradda Cadaaladda iyo […]
Madaxa UNDP oo kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland
Wefdi uu hoggaaminayo Madaxa ugu Sareeya Hay’adda UNDP Sayed Sahibzada ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mr Sayed Sahibzada Madaxa ugu Sareeya UNDP Puntland ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed. […]
Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo kulan looga hadlayay sidii loo ga hortagi lahaa dambiyada kufsiga ku qabatay xarunta wasaaradda
Wasaarada Cadaaladda Puntland ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay soo afjaridda tacadiyadda loo geysto haweenka gaar ahaan Kufsiga. Wasaaradda ayaa iyadoo arintaas ma duulaysa waxay sheegtay in maanta ay isugu yeertay Culimada Iyo Dhakhaatirta Puntland si ay dood uga yeeshaan kufsiga iyo ciqaabta uu mutaysan karo qofkii kufsi sameeya iyo haday jiraan eedo labada […]
Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka qayb galay kulan looga hadlayay tayaynta hay’adaha Cadaaladda Puntland
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Mr. Ahmed Karaash ayaa maanta isugu yeeray shir ay kasoo qayb galeen Madaxtooyada, Wasaarada Cadaalada, Maxkamadaha, amniga, poliska iyo hay’ada danbi baarista. Shirku wuxuu ku saabsanaa sidii loo wada shaqayn lahaa loona dardar gelin lahaa danbiyada gacanta lagu hayo ciqaabkooda. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amaray laamaha shirka […]
Wasiirka Cadaaladda Puntland mudane Cawil Shiikh Xaamud oo Tababar u furay ciidanka Asluubta Puntland
Wasiirka Cadaalada ee dawlada Puntland ayaa furay tababar la siinaayey ciidanka Asluubta oo ka kala yimi Gobolada Somaliya tababarkaa oo ay bixineesay haya’ada UNODC. waxuu wasiirkuku dhiiri geliyey ciidanka asluubta oo tababarka qaadanaayey inay ilaaliyaan xuquuqda Maxaabistu leeyihiin iyo inaan la jirdilin, la aflagaadayn amaba wax cay ah loo gaysan oo aysan u qadan hadii […]
Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka qayb galay kulan lala qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC (Sawiro)
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Mudane Cawil Shiikh Xaamud, ayaa kala qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash kulan muhiim ah oo ay la qaateen saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya Africa Miss. Patricia Danzi. Saraakiishan ka socda hay’adda IRC ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxa ICRC Soomaaliya […]
Wasiirka iyo Wasiir ku-xigaynka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo Xilka La Wareegay
Wasiirkii hore Mudane Saalax Xabiib Jaamac iyo kuxigeenkiisii Dr Cabdifataax ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Mudane Cawil Sheekh Xaamud iyo ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cali Faarax. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saalax Xabiib oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa soo bandhigay waxqabadkii mudada uu xilka hayay isagoo u mahadceliyay madaxdii iyo shaqaalihii […]








