Featured MEDIA News Somali News

Wasaaradda Cadaaladda Puntland Oo Ku Qabatay Xarunta Wasaaradda shirkii billaha ahaa ee Daneeyayaasha Cadaaladda

Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyada oo ka duulaysa tayaynta Cadaaladda Puntland ayaa waxa ay dib u bilowday shirarkii ay isugu imaanayeen hay’adaha ka shaqeeya cadaaladda.

Kulanka ayaa ah mid ay isugu yimaadeen dhamaan danee-yayaasha Cadaaladda sida Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah.

sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa Hay’adaha Puntland u qaabilsan Cadaaladda sida Ciidaanka Booliska , Ciidanka Asluubta , Maxakamdaha , Xeer ilaalinta iyo Gudiga xuquuqul insaanka.

Waxaa iyana kulanaka goob joog ka ahaa aqoonyahanada iyo khubarada ku xeel dheer  Sharciga.

Intii uu socday kulanku waxaa looga hadlay arimahaan soosocda

  1. Xog iswayraysi kusaabsan shaqada ay hayaan danee-yayaasha Cadaaladda
  2. Midaynta shaqooyinka si aysan u dhicin isku dhacyo iyo kala tagsanaan mashaariicda Cadaaladda la Xiriira
  3. Waxaa aad la isaga waraystay Dhacdooyinkii kala duwanaa ee la xiriirary Tacadiyada ka dhanka aha Hawaynka,  gaar haan dhacdooyinkii Kufsiga la xiriiray
  4. Sidii loo tayeyn lahaa Hay’adaha Garsoorka iyo kuwa Cadaaladda ka shaqeeya

Waxaana si qoto dheer looga dooday qodobada kor kuxusan iyada oo ugu dambaynttiina laga soosaaray war murtiyeed kusaabsan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’adaha ka shaqeeya cadaaladda , sidoo kalana qola walba ay si joogtaa xogta shaqada ay hayso ula wadagto Wasaaradda Cadaaladda si la isaga warhayo.

Dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka waxa ay isku raaceen in la joogteeyo shirarka noocaan ah,  oo ugu yaraan bishiiba mar la isugu yimaado si looga wada shaqeeyo sidii dhamaan bulshada ku nool Puntland u heli lahaayeen nidaam Cadaaladeed oo tayo leh, daboolalana baahiyaha cadaaladeed ee bulshada

 

Ugu dambayntii waxaa shirka soo xiray wasiir kuxigaynka wasaaradda cadaaladda puntland DR. Maxamed Cali faarax isaga oo uga mahad celiyay kasoo qayb galayaash a shaqooyinka muhiimka ah ee ay  uhayaan bulshada ree puntland kulana dardaarmay in ay sii joogteeyaan shaqadaas iyaga oo dardar galinaya

Waxa uuna wasiirku ballan qaaday in wasaaraddu ay joogtayn doonto kulamada noocaan ah