Wasaarada Cadaaladda Puntland ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay soo afjaridda tacadiyadda loo geysto haweenka gaar ahaan Kufsiga.
Wasaaradda ayaa iyadoo arintaas ma duulaysa waxay sheegtay in maanta ay isugu yeertay Culimada Iyo Dhakhaatirta Puntland si ay dood uga yeeshaan kufsiga iyo ciqaabta uu mutaysan karo qofkii kufsi sameeya iyo haday jiraan eedo labada dhinac ah oo laysu jeedinaayo.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in doodda kadib la isku raacay in ruuxii fal kufsi ah geysta aan loo aabba yeelin oo uu dil yahay iyadoo meel la iska dhigayo xeerarka dhaqanka ee lagu xalinayo falalka kufsiga.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dooddii maanta ay wasaaraddu u qabatay culimada iyo dhakhaatiirta looga wada arinsaday sidii xeerka kufsiga (Rape Act) oo Baarlamanku ansixiyey loo dhaqan gelin lahaa.








