waxaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe Wefdi uu hoggaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda EUCAB Puntland Mudane Dariusz Sielicki
Mr Dariusz Sielicki Madaxa ugu Sareeya EUCAB Puntland ayaa bogaadiyay shaqada ay hayso wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland
Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adda EUCAB ayaa ka wada-hadlay qodoba ay kamid yihiin
- hormarinta Waaxda Shuruucda ee Wasaaradda
- abuuridda xeerka shirkadaha amniga ee gaarka ah kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Hay’adda
- kordhinta shaqaalaha Mutadawiciinta ah ee ka howgala Wasaaradda iyada oo lagaarsiinayo ilaa 10 shaqaale
- kordhinta tirada iyo tayaynta Tabarada loo samaynayo Hay’adaha Cadaaladda
sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi
Gabogabadii, Wasiir ku xigaynka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa uga mahadceliyay Hay’adda EUCAB sida wacan ay ula shaqayso Dawladda Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda.
DHAMAAD








