Featured MEDIA News

Wasiirka iyo Wasiir ku-xigaynka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo Xilka La Wareegay

Wasiirkii hore Mudane Saalax Xabiib Jaamac iyo kuxigeenkiisii Dr Cabdifataax ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Mudane Cawil Sheekh Xaamud iyo ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cali Faarax.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saalax Xabiib oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa soo bandhigay waxqabadkii mudada uu xilka hayay isagoo u mahadceliyay madaxdii iyo shaqaalihii la soo shaqeeyay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda mudane Cawil Sheekh Xaamud ayaa u mahadceliyay madaxdii hore halka ay soo gaarsiiyeen shaqada Wasaaradda, waxaa uuna ballan qaaday in uu Wasaaradda kor uga qaadi doona meesha ay joogto hadda.

Xafladda xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddiga uu madaxwaynaha u saaray oo ka koobnaa Xeerilaaliyaha Guud, Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Madaxtooyada