Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Mr. Ahmed Karaash ayaa maanta isugu yeeray shir ay kasoo qayb galeen Madaxtooyada, Wasaarada Cadaalada, Maxkamadaha, amniga, poliska iyo hay’ada danbi baarista. Shirku wuxuu ku saabsanaa sidii loo wada shaqayn lahaa loona dardar gelin lahaa danbiyada gacanta lagu hayo ciqaabkooda. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amaray laamaha shirka kasoo qayb galay inay qaadaan talaabooyinka loo baahanyahay in cidii danbiyada gashay aan ciqaabtooda la jiidin dibna loo qaadin ee la dedejiyo. Wasiirka Cadaalada ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in dadku inaka sugayaan sidii cidii danbiyada gashay sharciga loo horkeeni lahaa ciqaabtoodana la marsiin lahaa hadii aan taa la helina danbiyada Puntland ka dhacayaa ay sii xoogaysanayaan. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in dadku isha ku hayaan Maxkamadaha iyo hay’adaha danbi baarista.









