MEDIA News Somali News

MADAXWAYNE KUXIGEENKA OO KORMEER SHAQO KU YIMI WASAARADDA CADALADDA, DASTUURKA ARRIMAHA, DIINTA IYO DHAQANCELINTA, DOWLADDA PUNTLNAD

Garoowe: 22-May-2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer shaqo ku yimi xarunta dhexe ee Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta, iyo Dhaqancelinta, Dawladda Puntland, oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta, Maxamed Abdiwahaab Axmed, ayaa Madaxwaynaha kusoo dhoweysay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,
DPL.
Sidoo kale wasiir kuxigeenka, Wasiiru-dawlaha iyo
Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee Wasaaradda, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Arrimaha Cadaaladda iyo mashaariicda ka socdda Wasaaradda iyo kuwa Qorsheysay ee Socda Degmooyinka iyo Gobolada Puntland.