MEDIA News Somali News

Xilwareejin wasiirkii hore ee wasaaradda cadaalada……

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27sep 2022 kuna beegan maalin talaado ah waxaa xilkii kula kala wareegay wasaarada cadaaladda Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqancelinta dawladda puntland wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Mudane Cawil Sh. Xaamud soona hogaaminayay wasaaradda mudo dhan 3.5 waxaa xilkii la wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda mudane Maxamed Cabdi wahaab.
waxaa goob joog ka ahaa madasha xilwareejinta wasiiru dawlaha wasaaradda cadaaladda, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, Agaasimaha guud ee wasaaradda cadalaadda iyo dhamaan shaqaale waynaha wasaaradda qaybahooda kala duwan.
sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa madasha xilwareejinta Hanti dhawrka Guud ee dawladda puntland,Gudiga xuquuqul insaanka Baarlamaanka puntland, Gudiga madaxwaynuhu u xilsaaray Xilwareejinta iyo Xubno ka socda hay adaha Cadaaladda bah wadaagna la ah wasaaradda cadaaladda.
ugu danbantii wasiirka hore ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda isagoo shaqaalaha kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan
wasiirka cusub ulana shaqeeyaan sidii Hore iyo si kasii wanagsan.