MEDIA News Somali News

Booqashada madaxwaynaha puntland mudane siciid Cabdulaahi Deni ee wasaaradda cadaaladda puntland

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee wasaraadda cadaaladda Booqashada madaxwaynaha ayaa daar nayd kormeer guud oo uu ku sameeyay xarunta dhexe ee wasaaradda sido kale wasiirka wasaaradda cadaaladda, wasiiru dawlaha wasaaradda cadaaladda Iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxay madaxwaynaha lawadaageen shaqada kasocota wasaaradda Guud ahaan Iyo sidii loo dhaqan galin lahaa Xeerarka ay gacanta ku hayso wasaaraddu isla markaana loo horumarin lahaa laamaha cadaaladda.

Madaxwaynuhu wuxuu kormeer ku sameeyay guud ahaan xafiisyada ay ka kooban tahay wasaraadu.

Madaxwaynuhu wuxuu dardaaran ujeediyay madaxda wasaaradda Iyo dhamaan shaqalaaha wasaaradda.

Baahintii:

Xafiiska warfaafinta iyo wacyi galinta wasaaradda cadaaladda.