Waxaa maalinimadii isniinta ahayd kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Cadaaladda xubnaha gudiga wasiirada ahaa ee loo xilsaaray la socoshada kiisaska kufsiga la xiriira, kulanka ayaa ahaa mid ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha xubnaha ka ah gudiga.
Ugu horrayn waxaa kulanka furay Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiirka Cadaaladda Puntland, waxa uuna kusoo dhaweeyay dhamaan xubnaha guddiga xarunta wasaardda isaga oo uga mahad celiyay shaqada ay u hayaan bulshada sidoo kalana waxa uu xubnaha ku wareejiyay ajandaha kulanka si looga doodo kadibna go’aamo wax ku ool ah lagasoo saaro.
Kulanka ayaa waxaa kadib laga dhagaystay warbixinno koob-kooban xafiiska xeer ilaaliyaha, wasaaradda cadaaladda iyo wasaaradda hawaynka.
Sidoo kale waxaa si gaara wax la isaga waydiiyay meesha uu marayo kiiskii Caa’isha Ilyaas iyada oo la isla qaatay in Dawladdu ka shaqayso sidii ay caasho caddaalad u heli lahayd, iyada oo markastana tixgalinaysa madax banaanida Hay’addaha Garsoorka Puntland.
Ugu Dambayntii waxaa ka mid ahaa qodabadii kulanka kasoo baxay :-
- In Maxkamadda sare ay u qoondayso kiisaska kufsiga Garsoorayaal u gaar ah.
- In la sameeyo Cilmi baaris ballaaran oo ku saabsan sababaha keena kufsiga.
- In la mideeyo xogaha kufsiga si ay u fududaato in isla markiiba laga fal celiyo.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ayaa waxaa la isla qaatay in lagawada shaqeyo sidii xal loogu helilahaa qodobada kor ku xusan iyada oo lala kaashanayo cidkasta oo wax ka qaban karta.











