waxaa maanta hoolka shirarka ee wasaaradda cadaaladda puntland lagu qabtay kulan balaaran oo looga dan lahaa sidii wax la isaga waydiin lahaa u diyaar garowga bisha barakaysan ee ramadaanka
ugu horayn waxaa shirka furay wasiirka wasaaradda cadaaladda puntland mudane cawil sheekh xaamud, wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimada ay bishaan leedahay sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka kulanku uu ahaa sidiiw asaaradu ay ula tashan laahyd culimada sidoo kale waxa uu ku booriyay culimada in ay wasaraadda uga dambeeyaan wixii go aan ah oo kusaabsan waqtiga ramadaanka ah la bilaabayo iyo waqtiyada afurka iyo suxuurta.
waxaa sidoo kale kalmad muhiim ah oo kusaabsan shaqada laga rabo culimada bisha ramadaan ka sheegay kulanka wasiir kuxigeenka, isaga oo ku dheeraaday dawrka uu masjidku kaga jiro bulshada iyo in culimadu bishaas dadka aad uga wacyi galiyaan dhibaatooyinka haysta bulshada.
ugu damabyntii waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo midayn lahaa dacwadda ka socota masaajidda waxaana la isla qaatay in midnimada laga shaqeeyo oo qofwalba uu tixgalin gaara siiyo midowga wasaarddana looga dambeeyo wixii go aan ah.
shirka waxaa soo xiray Agaasime iyo Wasiir kuxigaynka Wasaardda Cadaaladda mudane Dr. Maxamed Cali Faarax












