News Services Somali News

Maadama horey dowladdu u iclaamisey in Isniinta roob doon la sameeyo, haddana dhulka intii badneed Alle ku shubey roobkii iyo raxmadiisii.

Maadama horey dowladdu u iclaamisey in Isniinta roob doon la sameeyo, haddana dhulka intii badneed Alle ku shubey roobkii iyo raxmadiisii.

Wasaaraddu markey latashi badan lasameysey Culumada iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, waxaa la go’aamiyey in Salaadii roob doonta lagu badalo Salaad Shukri, laguna tukado Masaajidka, meelaha aan wali roobku ka di’in in salaadda roob doonta laga tukado.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Bulshada Puntland in Allaah Nicmadaas Roobka ah looga mahadceliyo, lagu adeeco sidoo kalana aan lagu caasiyin, Allaahna aan ka barino inuu Nicmadaas Roobka inoo siyaadiyo.