MEDIA News Somali News

xilwareejinta Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda puntland

Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda puntland Ismaciil xaaji Cabdi ayaa xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub ee wasaaradda cadaaladda dawladda puntland maryan maxamed Abshir

Madasha xilwareejinta ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiirka wasaaradda cadaaladda dawladda puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradda, wasiiru dawlaha wasaaradda, gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida, xubna ka mid ah madaxtooyada, shaqaalaha wasaaradda cadaalada Iyo marti Sharaf kala duwan.

Ugu danbayntii wasiirka wasaaradda cadaaladda ayaa ku soo dhaweeyay agaasimaha Cusub ee wasaaradda cadaaladda puntland, sidoo kalana umahad celiyay ku simihii hore wasaaradda cadaalada mudadii uu kasoo shaqaynayay wasaaradda cadaaladda puntland.

Baahintii:

Xafiiska wacyi galinta Iyo warfaafinta wasaaradda cadaaladda puntland.