

Wasaaradda cadaaladda Arimaha Diinta, Dastuurka, Iyo Dhaqan celinta Dawladda puntland ayaa maanta oo Khamiis ah shir ku qabatay xarunta wasaaradda.
Shirkaas oo ahaa shir ay isugu yimaadeen dhammaan laamaha caddaaladda iyo hay, addaha bah wadaagta la ah wasaaradda.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay , Agaasimaha Guud ee wasaaradda cadaaladda dawladda puntland , Agaasimaha Guud ee wasaaradda cadaaladda dawlad goboleedlka Galmudug , Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda dawlad goboleedka koonfur galbeed , Agaasimaha waaxda GBVga ee wasaaradda haweenka dawladda puntland , Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka ee gobollada Sool iyo Nugaal , Maxkamadda sare ee dawladda puntland , Ururka qareenada haweenka puntland , Xarunta garsoor dhaqameedka puntland , Forensic lab.
Sido kale waxa shirka qayb ka ahaa hay, adaha UNICEF, UNODC, UNSOM, UNDP, UNFPA, TASS, Taakulo,
Ujeedka shirkan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo bixinta warbixinno kusaabsan shaqooyinka la xidhiidha arrimaha cadaaladda.
Ugu Danbayntiina waxaa la isku raacay in kor loo qaado lana joogteeyo wadashaqaynta ka dhaxaysa bahda caddaaladda.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta wasaaradda cadaaladda dawladda puntland.















