Garowe(pp) Tababar ku saabsan sida ugu wanaagan ee loo ilaalin karo xaquuqda carruurta ayay maanta Hay’adda Tadamun oo kaashanaysa Wasaradda Cadaaladda Puntland ku qabatay magalada Garowe, tababarkaasi oo ay kasoo qayb galleen in ka badan 50-qof oo iskugu jira culimo, aqoon yahan iyo ardayda Jaamacadaha.
Maxamed Cabdiqaadir oo ka socday Hay’adda TADAMUN ayaa sheegay ahmiyada loo qabtay tababar kaan maanta inuu yahay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta xaquuqda carruurta isla markasna mar kasta looga fekeri lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadkooda iyo aqoontooda.
Ismaaciil Xaaji Cabdi oo ka socday Wasaradda Cadaalada dowlada Puntland ayaa kasoo qayb galayaasha siiyay daruus la xariira diinta islaamka waxa ka xaquuqda carruurta oo la ilaaliyo iyo kan dastuurka Puntland iyo sharuucda caalamka uga degsan, waxa kale uu sheegay inay muhiim




