waxaa maalinimadii Arbacada ka dhacay xarunta wasaaradda Cadaaladda Puntland Kulan looga Arinsanayay Sidii loo Dardar Galin lahaa shaqada wasaaradda ee Gobolada Puntland Kulankaan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan Isuduwayaasha Wasaaradda ee u jooga Gobolada Puntland, sidoo kale waxaa goob joog ahaa siiyaha Agaasimaha guud Mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi.
ugu horayn waxaa kulanka Furay Wasiir kuxigaynka Cadaaladda Puntland DR. Maxamed Cali Faarax, waxa uuna kasoo qayb galayaasha dareensiiyay muhiimadda uu kulankaan uleeyahy dardargalinta shaqada Wasaaradda.
waxaa sidoo kale iyana dhankooda laga dhagaystay warbixino isuduwayaasha iyaga oo soo bandhigay qorshayaashooda iyo sidoo kale Caqabadaha haysta.
ugu dambayntii waxaa la isla gartay in shaqada Wasaaradda kor looqaado dhammaan muwaadiniinta goboladana lagaarsiiyo shaqada Wasaaradda.
waxaana Agaasimuhu kula dardaarmay Isuduwayaasha in ay noqdaan kuwo si wanaagsan umatala Wasaaradda ayna kashaqeeyaan sidii adeegga Cadaaladdu ugaari lahaayeen dhammaan muwaadiniinta ree puntland










