Wasaradda Cadaalada iyo Diinta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaari loogu talo galay inuu u shaqeeyo maxkamadda degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ku wareejisay mamulkaasi, waxana gaarigan wasaradda soo gaarsiisay Hay’adda DDG.
Munaasibadda gaarigan ay wasaradda Cadaalada ku wareejinaysay Maxkamadda Eyl ayaa lagu qabtay xarunta wasaradda, waxana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda dowladda, Mamulka Gobalka iyo Hay’adda DDG.
Agaasimaha guud ee wasaradda Cadaalada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay gaarigan inay baahi badan u qabtay maxkamadda Eyl, sidaasi darteedna uu ku yimi, waxa kale uu tilmaamay inay wasaraddu ka go’an tahay sidii ay laamiga uga dagi lahayd isla markasna wax uga qaban lahayd xaalada magaalooyinka laamiga ka baxsan.
Faarax ayaa u mahad celiyay Hay’adda DDG oo gaarigan ugu deeqday, wuxuna si toos ah ugu wareejiyay masuuliyadda gaarigan oo ah Xaajiyadaha laba shir-layda ah.
Gudoomiye ku xigeenka maxkamadda Degmada Eyl oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasaradda Cadaalada iyo Hay’adda DDG, wuxuna sheegay inay jirto baahiyo uu qabo maxkamadda Eyl, taasina ay qayb ka tahay in wax laga qabto baahiyahooda.
Mamulka Gobalka Nugaal, iyo Agaasimaha wasaradda arrimaha gudaha Puntland oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in gaari loogu deeqo maxkamadda Eyl.
Sidoo kale baahiyo ayaa ka muuqda maxkamadda Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal, maxkamadaasi ma lahan dhisme u gaar ah,waxayna ku shaqaysaa xafiiska mamulka degmada, taasoo caqabad ku ah in si sahlay shacabka ugu addeegto.












