MEDIA News

WASAARADDA CADAALADDA AYAA QABATAY DOOD CILMIYEED KU SAABSAN KA TASHIGA JOOJINTA TACADIYAADKA KA DHANKA AH BULSHADA NUGUL

Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda puntland Drs Maryan Mohamed Abdshir ayaa Daahfurtay Dood cilmiyeed ku saabsan ka Tashiga Joojinta Tacadiyaadka Ka dhanka ah Bulshada Nugul ( Haweenka iyo Caruurta).
Doodan ayaa waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, dadka u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Haweenka , dhakaatiir, culimo u diin, dadka bartay xanuunada dhimirka ku dhaca iyo macalimiinta jaamacadaha.
Dooda ayaa Diirada lagu saaray tacadiyada loogaysto Haweenka iyo Caruurta sidoo kale Diinteena islamka iyo halka ay ka istaagtay Dhibaataynta Dadka
Nugul.